
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta shaacisay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ay ka qabatay Muqdihso iyo dowlad goboleedyada Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed & Waqooyi Bari.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo khadka telefoonka kula xiriiray saddexdii arday ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka iyo waaliddiintood ayaa ballan-qaaday in dhammaan waxbarashadooda ay dabooli-doonto dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala ah.
1. Maxamed Ciise Daahir – dugsiga Howl-wadaag, Muqdisho, Banaadir.
2. Farxiyo Faarax Cumar Cigaal – dugsiga Axmed Binu Xambal, Kismaayo, Jubaland.
3. Aamino Khaalid Cabdalla Axmed – dugsiga Sheekh Madar, Muqdisho, Banaadir.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ardayda, waaliddiintooda iyo macallimiintii wax-soo baray ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen waxbarashada.
“Waxa aan u hambalyeynayaa Macallimiinta, Waaliddiinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda waxbarashada dalka, waxa aan leeyahay hambalyo, ummad waxa ay ku dhisantaa oo isbeddelkeedu ka yimaada jiilkeeda waxbaranaya, markasta oo dadkeennu ay waxbartaan waxa aynu u dhowaananaa dhanka wanaagsan ee isbeddelka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Wuxuu intaas ku daray in xukuumaddiisa ay ka go’antahay in la-waayo arday Soomaaliyeed oo xilligii waxbarashada gaaray oo aan iskuul aadeyn, isaga oo waaliddiinta Soomaaliyeed ku boorriyey sida ay carruurteenna ugu barbaariyeen dhanka waxbarashada.
PUNTLAND POST