
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in uusan mar saddexaad u tartami doonin madaxtinimada Puntland, islamarkaasna doorka soo socda uu dhisayo qofka uu sharraxo xisbiga xukuumadda ee Kaah.
Madaxweyne Deni oo caawa hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ayaa yiri “dastuurku laba jeer ayuu ii oggol yajay hoggaanka Puntland, labadii jeerna waan la i doortay, laba sanno ayaa ii hartay, ninka doonaya xilka ha iskeeno doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda, xisbigeenna musharrax ayuu yeelanayaa oo aan dhisaynaa.”
Hadalka madaxweyne Deni waxa uu meesha ka saarayaa hadalhayn ka taagnayd furista dastuurka Puntland, iyada oo mucaaradka ay ka welwel sanaayeen in uu mar saddexaad tartamo madaxweyne Deni.
Waxaa la wada sugayaa cidda madaxweyne Deni u dhisi doono musharraxa xisbiga Kaah ee doorashada 2029, iyada oo la filayao in loolan arag uu ka dhex bilaamo xisbiga xukuumadda.
PUNTLAND POST