Waxa qayliyayaasha Soomaaliyeed iyo baroortayaasha Itoobiya ay wadaagaan

Qayliye wuxuu bixiyaa adeegga ku shubo oo ha qayliyee.

Garoowe (Faallo PP) — Itoobiya waxaa ka jira dad la soo kireysto si ay ugu baroortaan qoyska uu qof ka geeriyooday. Waxaa aad u yaab leh sida oohintoodu uga saameyn-badan tahay tan xubnaha iyo ehelada qoyska ay tacsidu gashay.

Soomaali badan way la yaabaan sida baroortuhu lacag ugu qaato baroordiiq uu jilayo. Baroortu waxay socotaa saacado badan gaar ahaan marka qof u yimaado reerka tiiraanyaysan.

Itoobiya baroortenimadu waa xirfad lagu xoogsado oo la kala dhaxlo. Shirkado ayaa jira xayaysiiya adeegyada u baroorashada qoysaska. Lacagta la siinayo baroortayaasha (haween uun baa adeeggan bixiya) waxay ku xiran tahay saacadaha baroortu soconayso. Dadka reerka u imanaya marnaba kama shakiyaan in baroortu aysan dhab ka ahayn baroortayaashu, iskaba daa in dadku ay soo xusuustaan murti u dhiganta baroorta orgiga ka weyn.

Soomaaliya waxaa ka jira adeeg u eg tan ay baroortayaashu qabtaan. Waa adeegga qayliyayaasha. Qayliyayaashu waxay bar ku leeyihiin baraha bulshada. Hadba siyaasiga dhirifsan oo doonaya ii siyaasi kale ama beel Soomaaliyeed ama maamul la caayo ama la habaaro ayaa lacag ku siiya qayliyaha inuu shaqadaas qabto.

Qayliyuhu ma galo heshiis ku koobaya adeeggiisa hal koox. Qayliyuhu wuxuu adeeggaas mid la mid ah siin karaa beesha, maamulka ama siyaasiga uu meel kaga dhacayay.

Qayliyayaashu waxay ka faa’iidaan qaylinta waa daawadayaal (views) iyo lacag ay bixiyaan dadka ay adeegga qaylinta u qabtaan. Qayliyuhu wuxuu afeef ahaan yiraahdaa: “Qofna lacag ima siinin.” Tirada taageere uu qayliye leeyahay way isbedbeddeshaa. Xeeladahiisa waxaa ka mid ah inuu u soo hoydo dadka uu meel kaga dhacay si uu adeeg qaylin ugu qabto. Qayliye wuxuu ka farcamay Cayayaanka Baraha Bulshada (CBB).

Qayliye ma aha muruqmaal. Waa ceebmaal. Dhowaan maamullo Soomaaliyeed waxay go’aammo ka soo saareen qayliyayaasha colaadda fidiya, dadka aflagaaddeeya, beentana si ula kac ah u fidiya. Waa tallaabo ku dayasho mudan. Waa in aan la dhiirrigelinin dhaqanxumada qayliyayaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

© Puntland Post, 2026