Xiisad ka tagaan deegaan ka tirsan gobolka Karkaar

Puntland ayaa ka daba tagtay ciidan sheegtay federaalka oo habeen hore ka guuray degmada Carmo ee gobolka Bari, kuwaas oo gaaray deegaan ka tirsan gobolka Karkaar.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa gaaray degmada Baxo-raako ee gobolka Karkaar, waxayna u socdaan deegaanka Kodmo oo ka tirsan degmadaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada sheegtay federaalka.

Deegaanka Kodmo waxaa laga dareemayaa xiisad colaadeed, iyada oo laga cabsi qabo in uu halkaas dagaal ku dhexmaro ciidamada Puntland iyo ciidamada sheegtay federaalka oo ka soo jeeda deegaankaas.

Puntland waxay ku adkaysanaysaa in ay isu soo dhibaan ciidamada sheegtay federaalka, haddii kale ay tallaabo ka qaadayso, sida ay hore u sheegtay.

PUNTLAND POST