Somaliland oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Hargeysa

Somaliland ayaa sheegtay in qaraxii xalay ka dhacay magaalada Hargeysa uu ahaa bombo-gacmeed ka dhacday askari.

War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in qaraxaasi uu sababay dhaawaca afar qof oo labo ka mid ah yihiin shacab, halka labada kalana yihiin askar, kuwaas oo hadda lagula tacaalayo isbitaalka guud ee Hargeysa.

Booliska Somaliland wuxuu intaas ku daray in ay socdaan baadhitaanno dheeraad ah oo la xiriira dhacdadan.

“Waxaa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland, taas oo sababtay dhaawaca labada askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, mana jirto wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, waxaana socda baadhitaan dheeraad ah.” ayaa lagu daray.

PUNTLAND POST