
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka daraawiishta ee maamulka Waqooyi Bari Col. Cabdirashiid Axmed Nuur (Fool-Dahab).
Saraakiisha labada dhinac ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta sugidda amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka Waqooyi Bari.
Qoraal ka baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri “taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare Cabdirashiid Axmed Nuur (Fool-Dahab), taliyaha ciidanka daraawiishta ee Waqooyi Bari Soomaaliya”.
“Saraakiisha ayaa taliyaha uga warbixiyay xaaladda guud ee amniga deegaannada Waqooyi Bbari Soomaaliya, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay xoojinta sugidda iyo dardargelinta dadaallada lagu lagu xaqiijinayo amni waara iyo xasilloonida deegaannadaas” ayaa la raaciyay.
Deegaanka Adhicadeeye oo ka tirsan gobolka Sool ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaal beeleed ay ku dhinteen dad gaaraya 25 qof, kaas oo la sheegay in ay ka qaybqaateen ciidan ka tirsan maamulka Waqooyi Bari.
PUNTLAND POST