Maxay ka wada hadli doonaan madaxweyne Deni iyo waxgaradka Nugaal?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu waddaa in uu maanta kulan la qaato waxgaradka gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlayo xaaladda amniga ee Garoowe iyo guud ahaan Puntland.

Labada dhinac waxay si gaar ah uga wada hadli doonaan in aan wax xabbad ah ka dhicin magaalada Garoowe, iyada oo odayaasha iyo waxgaradka Nugaal lagu wado in ay ballanqaadaan in aysan wax amniga wax u dhimaya ama tallaabo ah aysan qaadin ciidamada degan xerada Ligle ee hoggaamiyo Gen. Jimcaale.

Sidoo kale madaxweyne Deni wuxuu lagu wadaa in uu ballanqaadi doono in ciidamada Puntland aysan qaadi dooonin wax tallaabo ah oo ka dhan ah ciidamada degan xerada Ligle ee Garoowe.

Kulanka waxaa kale oo looga hadli doonaa sidii Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo hadda ku sugan Muqdisho uu u iman lahaa magaalada Garoowe, iyada oo aysan wax is hortaag ah ku sameyn Puntland.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu ku soo dhammaado isfahan xal u noqon doona xiisadda amni ee Garoowe iyo walaaca shacabku ka qabaan in dagaal ka dhaco caasimadda.

PUNTLAND POST