Madaxweyne Deni oo xariga ka jiray waddada halbowlaha ah ee Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarigga ka jaray qayb ka mid ah waddada halbowlaha ah ee dhexmarta caasimadda Garoowe, taas oo looga dhisay si casri ah, lagana dhigay labo haad.

Waddada labada haad ah ee xariga laga jaray ayaa ka billaabata barxadda Garoowe, iyada oo la gaarsiiyay ilaa buundada Meeraysane.

Waddadan ayaa labada haad dhex-dooda lagu beeray dhir, waxayna ka mid ah noqonaysaa waddooyinka casriga ah ee muddooyinkii u dambeeyay laga hirgeliyay magaalada caasimadda ah ee Garoowe.

Sidoo kale madaxweyne Deni wuxuu xariga ka jaray barxadda Garoowe iyo astaanta cusub ee Dabqaadka oo si carsi ah loo dhisay, islamarkaana loogu magac-daray Gen. Qalyare oo ka mid ahaa saraakiishii sare ee ku dhimamay dagaalka Calmiskaad.

Munaasabadda galabta waxaa ka qaybgalay wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada, guddiga horumarinta degmada, injineerada dhisay waddada iyo barxadda, ganacsato, waxgarad iyo qeybo ka mid ah bulshada caasimadda Garoowe.

PUNTLAND POST