
Hay’adaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Cabdikariin Cabdullaahi Ciidle, kaas oo ahaa nin Sooaamli ah oo dowladda Maraykanka ku eedeysay in uu door weyn ku lahaa kiisaskii musuqmaasuqa ee la xiriiray barnaamijkii quudinta carruurta.
Waaxda Caddaaladda Maraykanka ayaa sheegtay in Cabdikariin oo 42 jir ah lagu qabtay magaalada Muqdisho 25kii bishan Juun 2026, kaddib muddo uu baxsad ku jiray, isaga oo ku eedeysan in uu 5 milyan oo doolar oo ka mid ah lacagihii la musuqmaasuqay lagu shubay akoono lala xiriirinayo shirkado uu sameystay.
Cabdikariin Ciidle waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa shaqaalaha barnaamijka, islamarkaana in uu qaadan jiray laaluush iyo lacago dib-u-celin ah si loo ansixiyo xarumo si been abuur ah uga faa’iidaysanayay barnaamijka nafaqeynta carruurta ee dowladda federaalka Maraykanka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda weli ka hadlin qabashada ninkan ku eedeysan musuqmaasuqa ee ay dowladda Maraykanka ku gacan siisay in la qabto.
Maraykanka ayaa 47 qof ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin fadeexaddii musuqmaasuq ee dhacday muddadii uu jiray cudurka Covid-19, kuwaas oo la sheegay in ay lunsadeen lacag gaaraysa 250 milyan oo doolar.
PUNTLAND POST