Muxuu yahay ujeedada safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Jabuuti?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah madax iyo mas’uuliyiin ka socda dowladaha gobolka iyo ururada caalamiga ah oo lagu casuumay ka qayb galka munaasabadda qaran ee xuska 49 sano guurada ka soo wareegatay markii dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay Faransiiska, waqtigaasi oo ku beegan 27-kii bishii Juun, sanadkii 1977-dii.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay muddada uu ku suganyahay dalka Jabuuti in uu la kulmi doona madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal.

PUNTLAND POST