
Booliska gobolka Nugaal ayaa mamnuucay in dhalinyarada safarrada ciyaaraha u baxa lagu qaado sariirta kore ee basaska, taas oo ay sheegeen in looga hortago shilal iyo khataro ay arrintaasi sababi karto.
Amarkan ayaa lagu faray dhammaan baraha kantaroolada gobolka Nugaal in ay joojiyaan basaska sariirta kore ku qaadaya dhalinyaro ka imanaya gobollada kale ee Puntland iyo ka baxaya gobolka Nugaal.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Booliiska gobolka Nugaal ayaa lagu yiri “Waxaa la farayaa dhammaan baraha kantaroolada gobolka Nugaal in ay joojiyaan basaska sariiraha kore ku qaada dhalinyarada safarada ciyaaraha ee ka imanaya gobollada kale ee Puntland iyo kuwa ka baxaya gobolka Nugaal”.
“Waxaa sidoo kale la farayaa in tallaabo laga qaado darawal kasta oo lagu qabto isagoo dhalinyaro saaraya sariirta kore ee baska, maadaama ay khatar weyn ka dhalan karto arrintaasi oo sababi karta shilal iyo dhaawacyo” ayaa lagu daray qoraalka Booliiska Nugaal.
Deegaannada Puntland waxaa xilliyada habeenkii ah lagu arkaa dhalinyaro ciyaartooy ah oo ku safraya basaska yar ee loo yaqaan Caasiga, kuwaas oo gaarkood saaran yihiin sariirta kore.
Dhawaan ayay ahayd markii dhalinyaro ciyaartooy ah oo watay gaari bas ah, islamarkaana ka yimid magaalada Gaalkacyo ay shil dhimashobiyo dhaawac sababay ku galeen deegaanka Cawsane, xilli ay safar ugu socdeen magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.
PUNTLAND POST