
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar aan la shaacin oo saacado qaadan doona ugu baxay dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh markii uu gaaray Nairobi ay diyaarad gaar ah u sii qaaday magaalada Narok, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweyne William Ruto iyo xubno wakiillo ka ah Beesha Caalamka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulankaas.
Wararka ayaa intkaas ku daraya in madaxweyne Xasan Sheekh uu isla galabta dib uga laabanayo magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli ay Golaha Mustaqbalka ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Mucaaradka Muqdisho ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyaga oo dalbaday in dowladda federaalka joojiso doorashada ay waddo ee qof iyo cod.
Doodaha ku saabsan nooca doorashada iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogaysanayay, iyada oo dowladda federaalka ay ku adkaysanayso in ay dalka ka qabanayso doorashooyin qof iyo cod ah.
PUNTLAND POST