Israa’iil oo qorsheynaysa in ay gujisyo u soo dirto xeebaha Soomaaliya

Israa’iil ayaa qorsheynaysa in ay gujisyadooda casriga ah ee dalka Jarmalku u sameeyay ee nooca Dolphin-class ay gayso xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa maamulka Somaliland.

Mareegta arrimaha difaaca ka faalloota ee Defence-Network ayaa baahisay in heshiiska iskaashiga amniga ee dhexmaray Israa’iil iyo maamulka Somaliland uu wadada u xaarayo in ciidanka badda ee Israa’iil ay isticmaalaan xeebaha Somaliland, kuwaas oo u suurta-gelin kara in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta iyo Badda Cas.

Dekedda Berbera oo Imaaraadka uu gacanta ku hayo ayaa Israa’iil doonaysaa in ay ka hesho fursad joogitaan militari, si ay saameyn ugu yeelato gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas oo ay kula loolamayso Sacuudiga iyo Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegtay in ay qaadayso tallaabooyin ay ku difaacayso madaxbannaanideeda ay soo faragelisay Israa’iil.

PUNTLAND POST