
Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe waxaa la keenay meydka Cabdisiciid Maxamuud Cilmi oo shalay galinkii dambe lagu dilay tuulada Suubaan oo ka tirsan degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal.
Marxuumka oo ahaa macallin wax ka dhiga iskuulka deegaankaas, waxaa la sheegay in uu dilay askari ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan ciidan dhawaan la geeyay degmada Godobjiiraan.
Askariga macallinka dilay oo la xiray ayaa isna la soo gaarsiiyay xabsiga magaalada Garoowe, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliska Puntland.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay askar ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland oo dilal u gaystay dad rayid ah, taas oo ilaa iyo hadda aysan dowladdu wax tallaabo ah ka qaadin oo beelo ka xaaltameen.
PUNTLAND POST