
Madaxweynaha dowyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabad ka dhacday madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirro ka socda siddeed dal oo kala ah; Masar Mudane Mohamed Salah Keshtah, Indonesia Mudane Witjaksono Adji, Sweden Mudane Hans Henric Lundvqist, Cuba Marwo Inés Fors Fernandez, Canada Mudane Joshua Brenber Tabah, Finland Marwo Riina Riikka Heikka, Norway Marwo Siv Cathrine Moe iyo Spain Mudane Jaime Alejandro Moreno Bua.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay danjireyaasha xilka loo soo igmaday, ayaa la wadaagay in dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay soo dhaweynayaan, kuna garab sinayaan gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed, kaas oo ay ugu horreeyso xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labo geesoodka ah.
Dhankooda, danjireyaasha cusub ayaa madaxweynaha Soomaaliya soo gaarsiiyey salaan iyo farriimo ay ka sideen hoggaanka dalalkooda, waxa ayna muujiyeen in ay mudnaan siinayaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyagoo ka mahad celiyey qaabilaadda iyo soo dhaweynta loogu sameeyey Villa Somalia.
Munaasabaddan ayaa si maamuus sare leh ugu dhacday madaxtooyada qaranka, iyadoo ay ka qeyb qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo salaan sharaf ku maamuusay danjireyaasha warqadahooda u gudbiyey madaxweynaha Soomaaliya.












PUNTLAND POST