
Xasan Maxamed Xasan (Suldaan) oo maalmo ka hor loo magacaabay xoghayaha degamada Boosaaso ayaa xilkaas iska casilay, kaddib markii ay magacaabistiisa sababtay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya madaxda sare ee Puntland.
Suldaan oo markii hore uu magacaabay wasiir Qarjab oo qaraabo yihiin waxaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu isku casilay xaalad ka dhalatay magacaabistiisa oo saameysay madaxda iyo hay’adaha dowladda Puntland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Siciid Axmed oo ay isku deegaanka ka soo jeedaan Suldaan ayaa la sheegay in uu ka horyimid magacaabista wasiir Qarjab, islamarkaana uu arrintaas kala hadlay madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa ku amray wasiirka arrimaha gudaha in uu ka noqdo magacaabista xoghayaha Boosaaso, taas oo sababtay in ugu damabayn Suldaan lagu qanciyo in uu is casilo.


PUNTLAND POST