
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyay heshiisyo, siyaasado iyo magacaabista mas’uuliyiin sarsare oo madax ka noqonaya hay’addo cusub oo dowladeed.
Golaha ayaa ansixiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda, xilkaas oo loo magacaabay Faysal Maxamed Xaashi, sidoo kale Golaha ayaa meelmariyay Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta, xilkaas oo loo magacaabay Khadar Maxamuud Xareed.
Golaha Wasiiradda waxa ay sidoo kale ansixiyeen Maareeyaha iyo Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Daawada iyo Agabka Caafimaadka Qaranka, kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, xilalkaas oo loo kala magacaabay Maareeye Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan iyo Maareeye Ku-xigeen Dr Faarax Maxamed Sharaawe.
Goluhu waxay kale oo ansixiyeen siyaasado iyo heshiisyo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah wasaaradaha, kuwaas oo kala ah:
1. Siyaasadda Qaran ee waxbarashada farsamada iyo tababbarka xirfadaha
2. Siyaasadda Qaran ee Kafaalada Carruurta Soomaaliyeed
3. Siyaasadda Qaran ee Nidaaminta arrimaha Hijrada
4. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kuna saabsan iskaashiga dhanka adeegyada bulshada.
PUNTLAND POST