
Xisbiga Nabad iyo Nolol ee hoggaamiye madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa beeniyay in uu shir kala qaybgalay Madasha Midnimo Qaran ee hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Xisbiga Nabad iyo Nolol oo war-saxaafadeed soo saaray wuxuu sheegay in Farmaajo oo keli ah la kulmay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, kuwaas oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka siday farriin ku aaddan shirka uu iclaamiyay ee 14-ka ilaa 18-ka bishan.
Madaxweyne hore Farmaajo ayaa la sheegay in uu faray taliyeyaasha ciidamada in ay madaxweynaha gaarsiiyaan in loo baahan yahay kalsooni uu shirka ku qabsoomo iyo in uu noqdo mid loo dhan yahay.
Farmaajo ayaa war-saxaafadeedkan soo saaray, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Nabad & Nolol iyo Madasha Midnimo Qaran ay shir wadajir ah la qaateen taliyeyaasha ciidamada.
Madasha Midnimo Qaran ayaa ah garabkii hore uga baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska la gaaray dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana mucaaradku ku eedeeyaan in ay u dhow yihiin Villa Somalia.

PUNTLAND POST