
Taliye ku xigeenka ciidanka Maraykaan ee AFRICOM Gen. John Brennan ayaa xaqiijiyay in ay ka baxeen saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sababta ayuu ku sheegay khatar ka jirto dhabbaha ay ku ordaan diyaaradaha ee garoonka oo xumaaday iyo dayactirkiisa oo ku kacaya tobanaan milyan oo doollar.
Gen. Brennan wuxuu intaasi ku daray in Maraykanku u sii wadi doonto taageerada milatari ee siiyo ciidamada Soomaaliya.
Hadalka AFRICOM ee ka bixitaanka Ballidoogle ayaa ku soo aaday, xilli uu Maraykanku saldhigiisa ugu weyn ee Soomaaliya ka sameysanayo magaalada Boosaaso oo ku taalla goob istiraatiijiya.
Wararka ayaa sheegaya in qalabkii saldhigga Ballidoogle u oolaa Maraykanka uu u daad gureeyay magaalada Boosaaso, haas oo uu doonayo in uu ka fulliyo howlgalladiisa Soomaaliya.
Saldhigga Ballidoogle oo ahaa goob lagu tababaro ciidanka Danab oo ka tirsan xoogga dalka ayaa Maraykanka ka baxay, xilli xasaasiya oo ciidamadii nabad ilaalinta ee Afrika ay ka baxayaan koonfurta Soomaaliya.
PUNTLAND POST