Maxay tahay sababta uu isku casilay guddoomiyihii gobolka Hiiraan?

Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa xalay iska casilay xilkii uu u hayay maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe ee Hirshabeelle.

Muuse Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay is casilaaddiisa, isaga oo sheegay in uu la aragti noqday bulshada gobolka Hiiraan oo tabashada ka qabta maamulka Hirshabeelle

Wuxuu sheegay in ay madaxda Hirshabeelle isku khilaafeen habka loo wajahayo tabashada reer Hiiraan, isaga oo intaas ku daray in aan qori caaradiis iyo xoog wax lagu xallin karin.

Is casilaadda kaddib, Muuse Salaad ayaa kulan la yeeshay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ku sugan magaalada Beledweyne, halkaas oo ay joogaan dhinacyada kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle.

PUNTLAND POST