
Dowladda Federaalka ayaa kaararka shirkadda Hormuud u qaybisay ciidamada ka amar qaata ee ku sugan deegaannada Puntland, kuwaas oo doonayso in ay u soo mariso mushaaraadka.
Tallaabada Federaalka waxay timid, kaddib markii Puntland ay bishii la soo dhaafay diiday in lacagta mushaaraadka ee ciidamadaas ay soo marto bangiyada gaarka loo leeyahay ee Puntland.
Arrintan ayaa u qaata in ay weli taagan tahay xiisad ciidan oo u dhaxaysa labada dhinac, iyada oo Puntland bilo ka hor sheegtay in ay soo afjartay ciidamada ka amar qaata Muqdisho ee ku sugan deegaannadeeda.
PUNTLAND POST