Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir wadatashi ugu yeeray Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Golaha Mustaqbalka, xisbiga Nabad & Nolol iyo Golaha Midnimo Qaran.

Shirka waxaa la sheegay in uu magaalada Muqdisho ka dhici doono 14-18 Nofeembar 2026, sida lagu xusay war-saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.

Ujeedada gogoshan ayaa lagu tilmaamay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is-afgarad iyo isu-tanaasul.

Golaha Mustaqbalka waxay ka kooban yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta, xisbiga Nabad & Nolol waxaa hoggaamiya madaxweyne hore Farmaajo, halka Golaha Midnimo Qaran ay hoggaamiyaan Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka wadatashi ee ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu yimid, xilli shalay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah oo looga arrinsado xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

PUNTLAND POST