Firdhiye iyo Abwaan oo la heshiisiiyay

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka masmulka Waqooyi Bari ayaa ka heshiiyay khilaafkii u dhexeeyay, kaddib wadahadallo muddo socday oo la xiriiray sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka labada mas’uul.

Dadaallada xal u helidda khilaafkan waxaa garwadeen ka ahaa wasiirkii hore ee ganacsiga Soomaaliya xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, oo toddobaadkii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood, isaga oo ka shaqaynayay isu soo dhaweynta labada dhinac iyo sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka.

Khilaafka Firdhiye iyo Abwaan ayaa ahaa mid soo noqnoqday oo la sheegay in uu salka ku hayay kala aragti-duwanaansho dhinaca maamulka, awoodaha dastuuriga ah iyo talo-wadaag la’aan ka dhexayay labada mas’uul ee ugu sarreeya maamulkaas.

Khilaafkii u dambeeyay ee labada mas’uul waxaa la aaminsan yahay in uu ka dhashay magacaabista Taliska 26-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo soo buuxinta xildhibaannadii Sanaag ee u goostay Somaliland.

PUNTLAND POST