
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta ka dhacaysa doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug, taas oo la sii ogyahay in lagu dooranayo Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq).
Liibaan Shuluq oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), wuxuu haystaa inta badan xildhibaanada maamulka Galmudug ee dhawaan lagu soo doortay doorashadii ku celiska ahayd.
Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Galmudug waxaa lagu wadaa in loo doorto Cabdiweli Ibraahim Garyare oo isna ka tirsan xisbiga JSP, islamarkaana ka soo jeeda degmada Caabudwaaq.
Xisbiga JSP wuxuu haystaa 67 mudane oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 xubnood.
Liibaan Shuluq oo ah ganacsade weyn oo ku cusub saaxadda siyaasadda wuxuu baddelayaa Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo Galmudug hoggaaminayay tan iyo Febraayo 2020-kii.
PUNTLAND POST