
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga daahfuray hanaanka tikidhada caalamiga ah ee IATA, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi barre ayaa tilmaamay in arrintan ay markhaati u tahay horumarka uu dalku ka sameynayo dhinaca maamulka hawada iyo casriyeynta nidaamka socdaalka ee caalamiga ah.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Faarax Nuux ayaa sheegay in tillaabadan ay meesha ka saarayso caqabadaha dhinaca tikidhada iyo safarka ee mudada dheer ka jiray dalka, wuxuuna xusay in tani ay fududeyn doonto maalgashiga caalamiga ah iyo in shirkadaha aduunka ugu waaweyn ay si toos ah u yimaadaan Soomaaliya.
Munaasabadda ay Soomaaliya kula wareegtay maamulka tikidhada caalamiga ah waxaa goob joog ka ahaa hoggaanka sare ee IATA, gaar ahaan madaxweyne ku-xigeenka IATA ee Afrika iyo Aasiya Kamil Al-Awadhi iyo safiirrada & diblomaasiyiinta wadamada caalamka ee ku sugan Muqdisho.
PUNTLAND POST