Puntland: Xasan in lala diriro oo dhiig daato ajar iyo xasanaad baa laga helayaa

Puntland ayaa ku baaqday in si wadajir ah loola diriro dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ku eedeysay in ay waddo doorasho keeni karta khatar iyo in ay kala furayo Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor hadana ah ku-simaha madaxweynaha ayaa hadalkan ku dhawaaqay, isaga oo si gaar ah ugu baaqay reer Muqdisho in ay la diriraan dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda hadda jirta oo lala diriro ayuu sheegay in uu aaminsan yahay in laga helayo ajar iyo xasanaad, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Lugatoor ayaa xusay haddii madaxweyne Xasan Sheekh qaban waayo doorasho heshiis lagu yahay in ay tashan doonto Puntland.

Hadalka Puntland wuxuu yimid, xilli maalin ka hor ay Dowladda Federaalka ku dhawaaqday jadwalka doorashooyinka lagu muransan yahay ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Doorashada madaxweynaha ayaa la sheegay in ay dhaceyso 15-ka May 2027, halka tan labada aqal la tilmaamay in ay dhacayso 15- April 2027, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka.

PUNTLAND POST