
Washington (Wararka PP) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta aad u caraysnaa kaddib markuu ogaaday inay fashilantay mu’aamaradda uu la damacsan yahay Ilhan Omar, oo laga soo doorto Minnesota.
Katie Miller oo ah afada ku-xigeenka Maamulaha Xafiiska Aqalka Cad, Stephen Miller, ayaa shalay farriin ku qortay madasha X (Twitter loo yaqaannay). “Ballantii la qaaday waa laga soo baxay,” ayay ku qortay boggeeda, kaddibna way tirtirtay.


Waxay farriinta la wadaagtay 253,000 oo qof oo ku xiran boggeeda X kaddib markii dambi-baarayaal ka socda Waaxda Amniga Qaranka (DHS) ay tageen guriga Ilhan Omar.

Farriinta Katie ayaa lagu tilmaamay tallaabo uu ninkeedu dhabarka kaga toogtay Madaxweyne Trump, oo hadda loo malaynayo inuu hore u ballanqaaday inuu dambiyo aan jirin ku soo oogo Ilhan Omar.

Waxay Katie farriinteeda kaga falcelinaysay warbixin uu wargeyska New York Post qoray kuna saabsan Ilhan Omar. Xagjirka taageera Madaxweyne Trump ayaa aad uga carooday farriinta Katie Miller ay ugu damaashaadday mu’aamaradda siyaasadeed oo uu Trump u soo maleegay Ilhan Omar.
© Puntland Post, 2026