Markabka Honour 25 oo la soo gaarsiiyay Boosaaso

Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa maanta magaalada Boosaaso soo gaarsiiyay markabka Honour 25 oo 29-kii bishii hore ee Sebteembar ay ka soo furteen koox Burcad-badeed ah oo ku haysatay xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar.

Markabka waxaa kormeeyay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, iyada oo saraakiisha PMPF ay warbixin ka siiyeen xaaladda markabka.

Xubnaha ka tirsan golaha wasiirada Puntland ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugyeelata falalka burcad-badeednimada, iyaga oo caddeeyay in sharciga la horkeeni doono cid kasta oo falalkaasi lagu qabto ama lagu tuhmo.

Markabka HONOUR 25 oo ku gooshaayey calanka Jasiiradda Palau waxaa hore mulkiyadiisa u sheegtay ganacsade Cismaan Shire Quud oo ka soo jeeda Puntland, kaas oo tilmaamay in uu markabkiisu shidaal u siday Muqdisho.

Shaqaalihii saarnaa markabka ayaa Burcad-badeeddu dishay shan ka mid ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Pakistan, halka ay dhaawac gaarsiiyeen afar kale.

PUNTLAND POST