
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo weheliyo taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Eleteriya Isaias Afwerki.
Qoraal ka baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “kulanka ayaa ahaa mid xushmad iyo is-dhaafsi salaan ah, iyadoo madaxda labada dhinac ay muujiyeen muhiimadda xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Eleteriya”.
Kulankan wuxuu hordhac u ahaa kulan ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Isaias Afwerki ku qaadanayaan magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar.
Kulanka madaxda Soomaaliya iyo madaxweynaha Eleteriya ayaa yimid, xilli xiisadda gobolka ay marayso meel xasaasi ah, islamarkaana maalmo ka hor ay safaaradaha kala qaateen Itoobiya iyo Eleteriya.
Itoobiya ayaa ku eedeysay Eleteriya iyo Masar in ay taageeraan kooxaha dagaalka ka wada waqooyiga dalkeeda, kuwaas oo hadda u muuqda in ay ka adkaatay xukuumadda Abiy Axmed.
PUNTLAND POST