
Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee maalin ka hor ka dhacday maamulka Galmudug.
Ururka JSP waxa uu helay 67 kursi oo kamid ah kuraasta xildhibaanada Galmudug oo dhan 89 kursi, taas oo u dhiganta in uu helay in ka badan boqokiiba todobaatan iyo shan 75%.
Ururka ku soo xiga oo ah Sincad oo hoggaamiyo Maxamuud Khaliif Jabiye ayaa helay 7 kuri oo kamid ah kuraasta xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.
Ururka Towfiiq ee hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa laga reebay doorashada, kaas oo ahaa ururkii hore dawcadda uga gubdiyay doorashadii hore.
Dowladda Federaalka iyo ururka JSP ayaa musharaxa madaxweynaha Galmudug u wata Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq).

PUNTLAND POST