Puntland oo sheegtay in ay furatay markabka Honour 25

Puntland ayaa sheegtay in ay furatay oo gacanta ku dhigtay markabka Honour 25 oo koox Burcad-badeed ah tan bishii Abriil ee sanadkan ku haysteen xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu yiri “ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa gacanta ku dhigay markabka MT Honour oo ay koox Burcad-badeed ah ku haysteen degmada Banderbayla”.

Puntland waxay tilmaantay in ay howlgalka ku dhaawacmeen labo ka mid ah Burcad-badeedda, islamarkaana intii kale gacanta lagu dhigay, iyada oo xustay in ay badqabaan shaqaalaha markabka iyo hantidii saarnayd.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah kooxda Burcad-badeedda ay shalay ka degeen markabka, kadib markii ay wada hadal la gashay Puntland.

Markabka Honour 25 oo ku gooshaya calanka dalka Palau waxaa mulkiyadiisa sheegtay ganacsade Cismaan Shire Quud oo ka soo jeeda Puntland, kaas oo tilmaamay in uu markabkiisu shidaal u siday Muqdisho.

Puntland waxay sidaan oo kale maalmo ka hor furatay markabka SIBU 1 oo koox Burcad-badeed ah ku haysatay xeebaheeda, iyada oo howlgalkaas ay ka qaybqaateen maleeshiyaad Ciraaqi ah oo ka socday shirkadda leh markabka.

PUNTLAND POST