
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku maraya degmooyin ka titan gobollada bariga fog ee Puntland ayaa maanta tegay degmada Gumbax ee gobolka Raascasayr.
Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaas, waxaana safarkiisa ku weheliyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Maxamed Baari Shire iyo mas’uuliyiinta ka tirsan golayaasha dowladda Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa in uu safarka uu ku marayo gobollada bariga fog ee Puntland ku soo gabagabeeyo degmada jasiirad u ekaha ah ee Xaafuun, gobolka Bari.
PUNTLAND POST