Madaxweyne Deni oo gaaray Baargaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar ku maraya bariga fog ee Puntland ayaa maanta gaaray degmada Baargaal ee gobolka Raascasayr.

Madaxweyne Deni oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada ayaa sheegay in booqashada Baargaal ay muhiimad gaar ah u leedahay, islamarkaana uu doonayo in uu wax ka ogaado xaaladaha bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu joogo Bargaal wuxuu kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada degmada, waxaana uu u kuurgali doona xaalaada bulshada degmada, sida adkaynta nabadgelyada, la-dagaalanka argagaxidda, ilaalinta amniga badda iyo arrimaha horumarinta.

Deegaannada gobolka Raascasayr ayaa inta badan waxaa ka jirta waddo xumo iyo adeegyada bulshada qaarkood oo maqan.

PUNTLAND POST