Puntland oo sheegtay in ay Turkiga kula xisaabtamayso dadkii lagu laayay xeebaheeda

Madaxweyne Deni iyo safiirka Turkiga Alper Aktaş.

Puntland ayaa sheegtay in ay Turkiga kula xisaabtamayso duqaymihii dadka lagu dilay ee ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal ee Garmaal iyo Jiifle, kuwaas oo ay sheegtay in Ankara ku beegsatay kalluumeysato.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay kula xisaabtami doontaa dowladda Turkiga mas’uuliyadda muwaadiniinta lagu dilay safo ka baxsan shuruucda caalamiga ah iyo xudduudd shareecada islaamka”

“Waxaa nasiib darro ah in dowladda Turkiga ay lacago madax-furasho ah ku abaalmarisay Burcaddii afduubka u haysatay markabka MV Lutuf, ayna duqeymo ku dishay dhalinyaro joogtay xeebaha Puntland, ayna burburisay doonyo kalluumeysi” ayaa la raaciyay.

Puntland waxay hadalkan soo soortay kaddib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ciidan badda Turkiga ay xeebaha gobolka Nugaal ku dileen 14 Burcad-badeed ah, islamarkaana ay burburiyeen 4 doonyood.

PUNTLAND POST