Madaxweyne Deni oo ka degay Boosaaso

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo todobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Mudug ayaa maanta safar dhanka cirka ah ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Deni oo saaka diyaarad gaar ah ka soo raacay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug waxaa garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Boosaaso waxaa lagu wadaa in kulan la qaato wafdi ka socda Maraykanka, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan dhameystirka saldhigga dowladda Maraykanka ka sameysanayso Boosaaso.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa tagi doona degmooyinka Carmo iyo Badhan ee gobollada Bari iyo Sanaag, kuwaas oo uu tababar ugu soo xiri doono ciidamo ka tirsan Booliska iyo Daraawiishta Puntland.

PUNTLAND POST