Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay Burcad-badeed ahaayeen raggii lagu laayay xeebaha Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka badda Turkiga oo iskaashi la sameeyay ciidanka xoogga dalka ay soo furteen markabka MV Lutuf oo koox burcad-badeed ah ku haysatay deegaanka Jiifle ee gobolka Nugaal.

Dowladda Federaalka waxay sheegtay in howlgalka markabka lagu soo furtay oo socday 10 maalmood lagu dilay 14 ka mid ah Burcad-badeedda, islamarkaana lagu burburiyay afar doonyood.

Warkan ayaa lagu shaaciyay war-saxaafadeed goordhaweyd ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana intaas lagu daray in ciidamada ay si buuxda ula wareegeen markabka oo hadda si nabad ah u sii wata socdaalkiisa.

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya waxay digniin u dirtay kooxo ay sheegtay in ay siyaabo kala duwan u taageeraan Burcad-badeedda, kuwaas oo ay tilmaantay in sharciga la horkeeni doono.

PUNTLAND POST