Iska hor-imaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Saddex qof oo rayid ah ayaa ku dhintay tiro kalana waa ku dhaawacantay iska hor-imaad maanta ka dhacay degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, kaas dhexmaray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Iska hor-imaadka wuxuu ka dhashay hawlgallo dowladdu ku burburinaysay qaar ka mid ah guryo ku yaalla xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, kaas oo ay ka horyimaadeen shacabka xaafaddaas.

Sidoo kale banaanbaxayaal caraysan ayaa taayiro ku gubay degmada Yaaqshiid, taasoo keentay in uu hakad ku yimaado isu-socodka gaadiidka qaybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.

Banaanbaxayaasha waxay sheegeen in ay ka caroodeen dumista guryahooda, iyagoo dalbaday in la joojiyo howlgallada lagu burburinayo guryaha iyo in dadka deegaanka loo sameeyo xal ku saabsan dhulka iyo hoyga.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin iska hor-imaadka sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay burburinta guryaha xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid.

PUNTLAND POST