Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo tagay Laascaanood

Wafdi uu hoggaaminayay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka bani’aadannimada George Conway ayaa maanta tagay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.

Wafdiga Qaramada Midoobay waxay kulan la qareen ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac.

Madaxweyne Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa uga mahadceliyay wafdiga Qaramada Midoobay booqashada ay ku yimaadeen Laascaanood iyo dadaallada ay ku bixiyaan taageerada & wadashaqaynta maamulka Waqooyi Bari.

‎Dhinaca kale, wafdiga Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan wadashaqaynta maamulka Waqooyi Bari, si wax looga qabto baahiyaha bani’aadannimo iyo kuwa horumarineed ee ka jira deegaannada maamulkaas.

PUNTLAND POST