Puntland oo soo saartay amar la xiriira qoyska

Puntland ayaa ku amartay goobaha hoyga in aysan seexan karin lammaane aan haysan warqad guur oo ay bixisay wasaaradda caddaaladda.

Warqad ka soo baxday wasaarada caddaaladda Puntland ayaa lagu amar hoteellada, guryaha dabaqyada ah iyo guryaha martida in aysan jiifsan karin lammaane aan haysan shahaadada nikaaxa/guurka.

Wasiirka cadaaladda Puntland Cabdirashiid Barkhadle Warsame ayaa dhawaan sheegay in uu go’aankan soo saarayo, si uu dakhli ugu sameeyo wasaaradda.

Wasaaradda cadaaladda waxaa hore cabasho uga qabay nootaayooyinka Puntland, kuwaas oo sheegay in ay lacag afar doolar ah saartay dokumenti kasta oo ay qoraan.

PUNTLAND POST