Puntland oo ka hadashay howlgal laga fuliyay Qardho

Ciidanka Booliska gobolka Karkaar ayaa sheegay in uu qabtay maleeshiyaad hubaysan oo shalay jidgooyo dhigtay duleedka bari ee magaalada Qardho.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Booliska Karkaar ayaa lagu yiri “ciidamada amniga waxay qabteen maleeshiyaad abaabul oo jidka goostay, kuwaas oo dhibaato ku hayay shacabka iyo isu socodka dadka & gaadiidka. Sidoo kale waxaa la qabtay hubkii ay wateen”.

Sida la tilmaamay howlgalkan waxaa fuliyay taliyaha qaybta Booliska gobolka Karkaar G/Sare Bashiir Maxamed Maxamuud iyo taliyaha madaxtooyada gobolka Karkaar Gashanle Cabdi Xirsi Aadan, kuwaas oo safar kaga yimid deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo.

Taliska qaybta Booliska gobolka Karkaar wuxuu xusay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda in ay jidgooyo dhigato, cabsi geliso shacabka ama carqalad ku noqoto amniga iyo kala dambeynta.

PUNTLAND POST