
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada kala duwan iyo mas’uuliyiinta golayaasha dowladda ee ku sugan gobolka Mudug.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland waxaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay amniga gobolka Mudug, dib-u-habeynta ciidamada ku sugan degmooyinka Saaxo, Gaalkacayo iyo Galdogob iyo mashaariicda horumarin ee ka socda gobolka.
“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada amniga, dib-u-habeynta ciidamada ku sugan degmooyinka Saaxo, Gaalkacayo iyo Galdogob, iyo dardargelinta mashaariicda horumarin ee ka socda gobolka oo isugu jira kaabayaal dhaqaale iyo xarumaha bixiya adeegyada bulshada” ayaa lagu qoraalka madaxtooyada.
Madaxweynaha Puntland Puntland Siciid Deni ayaa muddo todobadaad ka badan ku sugan xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, isaga oo sidoo kale booqday degmooyinka Galdogob iyo Buursaalax.
Puntland ayaa amniga magaalada Gaalkacyo aad u adkaysay, xilli lagu wado in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalmaha soo socda soo gaaro dhanka koonfurta ee Galmudug.
Dhawaan magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac badan, kaas oo dhexmaray Puntland iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka.
PUNTLAND POST