Boosaaso: Waddo 20 sano u xirtay PSF oo dib loo furay

Puntland ayaa maanta dib u furtay waddo muddo dheer u xirnayd ciidamada PSF, taas oo isku xirta dekedda Boosaaso, madaxtooyada, maxjarka xoolaha iyo jidka soddonka bari.

Guddoomiyaha degmada Boosaaso Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in waddadan ay muddo ka badan 20 sano u xirnayd ciidamada PSF, furitaankeeda haddana uu muhiim u yahay isu-socodka bulshada, fududaynta gaadiidka iyo yaraynta culayska ka jira laamiga halbowlaha ah ee magaalada Boosaaso.

Wuxuu tilmaamay in ay dhawaan bilaabi doonto dhismaha iyo ballaarinta jidkan, si loo helo waddo casri ah oo si wanaagsan ugu adeegta bulshada, islamarkaana qayb ka noqota horumarinta kaabeyaasha gaadiidka ee magaalada.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland, maamulka gobolka Bari, taliska qaybta booliska gobolka Bari, guddiga horumarinta Boosaaso iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay munaasabadda lagu furay waddadan.

Furitaanka waddadan waxay timid, kaddib markii Puntland ay dhawaan la wareegtay xeradii ugu weynayd ciidamada PSF ee Boosaaso.

PUNTLAND POST