Cali Xoosh oo ka jawaabay warar lagu faafiyay baraha bulshada

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay in uu iska casilayo xilka uu hayo.

Wasiir Cali Xoosh wuxuu ku eedeeyay in ay arrinkaas ka dambeeyaan shakhsiyaad uu ku tilmaamay kuwa isu ekeysiiyay wariyeyaal.

Hadal qoraal ah uu goordhaweyd soo saaray ayuu ku yiri “wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in aan masuuliyada aan qaranka u hayo iska casilayo waa been abuur, sal iyo raad toona ma leh”

“Been abuurkaas waxaana sameeyey shaqsiyaad isu ekaysiinaya wariyeyaal, oo ku shaqeysta wararka been abuurka iyo marin habaabinta bulshada” ayuu raaciyay.

Wasiir Xoosh ayaa sida ka muuqata hadalkiisa ka carooday wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee lagu sheegay in uu iska casilayo xilka uu hayo ee wasiirnimo.

PUNTLAND POST