
Wasiirro ka tirsan xukuumadda Puntland, gudoomiyaha degmada Bosaaso iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqasho tagay dekedda magaalada Boosaaso oo maanta dib loo furay, kaddib muddo labo todobaad ah oo ay xirnayd.
Mas’uuliyiinta waxay u kuurgaleen xaaladda guud ee dekedda iyo habsami u socodka adeegyada, iyaga oo kulan la qaatay maamulka iyo hay’adaha ka howlgala, kuwaas oo ay ka dhageysteen warbixinno la xiriira shaqooyinka socda, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo tayada adeegyada dekedda.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay dowladda ka go’an tahay xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga, iyo casriyeynta adeegyada dekedda Boosaaso, oo ah halbowlaha ganacsiga Puntland iyo marin istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka badeecadaha iyo horumarka dhaqaalaha.
PUNTLAND POST