Nabad & Nolol oo Barxadda Siyaasadda Ka Saartay Haybad Qaran

Madaxweyne Farmaajo wuxuu karkaarka weydaariyay Haybad Qaran.

Muqdisho (Wararka PP ) —  Maxamed Cabdirisaaq M. Abuubakar, oo mar ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in aysan jirin koox bixisa “shahaadada mucaaradnimada iyo in uusan jirin qof ka hor istaaga kara Madaxweyne Farmaajo inuu kaalin ku yeesho geeddi-socodka dowlad dhisidda Soomaaliya”.

Dhowr bilood ka hor, Nabad & Nolol, oo uu Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyo, wuxuu ahaa xisbi bannaanka ka joogay wadahadallo u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Kaddib markii xubo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya kana mid yahay Ra’iisal Wasaare hore Xasan Cali Kheyre isku dayeen inay “dagaallo beeleed” ka aloosaan Muqdisho si ay Madaxweyne Xasan Sheekh ugu cadaadiyaan inuu aqbalo magaca uu Goluhu u bixisay ah “Madaxweyne Hore”.

Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasaddiisa ayaa majaxaabisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay Haybad Qaran xubin ka ahayd.

Nabad iyo Nolol wax taageero ah uma muujinin cadaadiska ay Kheyre iyo Madaxwyne Shariif Sheekh Axmed ay ka wadeen Muqdihso iyagoo xitaa sheeganayay inay metelayaan maamullada Jubaland iyo Puntland, ka sokow in labada siyaasi ay Muqdisho u arkaan goofkooda siyaasadeed.

Fahad Yaasiin, asaasaha Haybad Qaran, wuxuu hadda ku aragti dhow yahay Nabad & Nolol.

Xisbiga Haybad Qaran, oo uu hoggaamiyo, Ra’iisal Wasaare Hore Cabdi Faarax  Shirdoon (Saacid), wuu taageersanaaa in Muqdisho laga abaabulo colaado sababi kara in Beesha Calaamku ku cadaadiso Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka noqdo wax ka beddelkii labada aqal ku sameeyeen Dastuurka Soomaaliya, halka Nabad & Nolol ay xiriir toos ah la samaysay Villa Somalia si ay ugu muujiso inay ka soo horjeeddo xasilloonidarreynta Muqdisho lala damacsanaa.

Xasan Cali Kheyre oo ka fiirsanaya aayihiisa siyaasadda kaddib kala dadaashada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Xiriirradaas, oo si hoose Muqdisho uga dhacay, waxaa kaalin weyn ku lahaa Maxamed Cabdirisaaq oo dejiyay doodda ah in Nabad & Nolol taageerto habka doorashada toosan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo gudbisay.

Maxamed Cabdirisaaq wuxuu Nabad & Nolol dib ugu soo celiyay barxadda siyaasadda Soomaaliya.

Fahad Yaasiin, oo mar ahaa maalgeliyaha siyaasadeed ee Nabad & Nolol, wuxuu hadda wataa Haybad Qaran oo ka kooban “haybadlayaal” hadda dib uga fiirsanaya inay magaca Mudane ku doorsan karaan Haybadle kaddib markii Haybad Qaran ay ka baxday saaxadda siyaasadda Soomaaliya dib soo kabashada siyaasadeed ee Nabad & Nolol awgeed.

Punland iyo Jubaland xiriirka ay la yeehihiin Golaha Mustaqbalka Soomaliya ayaa xumaaday kaddib markii xubnaha Golaha oo aan la tashanin Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, ay iskood uga qeybgaleen wadahadallo ay Dowladda  Turkigu ka dhex wadday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Waxaa Deni iyo Axmed Madoobe lagu eedeeyay inay oggolaadeen in siyaasiyiin aan xilal haynin adeegsadeen magaca Puntland iyo Jubaland. Waxay u muuqataa in markan Madaxweyne Deni iska ilaalinayo in “farahiisa oodkac lagu cuno mar kale”.

© Puntland Post, 2026