Gen. Jimcaale oo xereeyay ciidanka Danab

Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo habeen hore yimid magaalada Garoowe ayaa saaka tegay xerada Ligle oo xarunta u ah ciidanka uu hoggaamiyo ee Danab.

Gen. Jimcaale wuxuu ciidanka Danab ka saaray aagag ay todobaadyadii la soo dhaafay difaacyo ka xirteen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen buuraha ku dhow xerada Ligle iyo goobo kale.

Ciidanka Danab iyo gaadiidkooda ayaa ugu dambayn maanta ku xerooday xerada Ligle, kaddib todobaadyo qaarkood meelo ka baxsan kaga jireen difaacyo.

Dhanka kale dowladda ayaa qaaday ciidamadii dheeraadka ahaa ee ay dhawaan gaysay kantaroolada iyo goobaha kale ee laga soo galo magaalada caasimadda ah ee Garoowe.

Wadahal aan weli dhammaan ayaa u socda Gen. Jimcaale iyo dowladda Puntland, kaas oo ay ka garwadeen ka yihiin qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal.

Waxgaradka Nugaal, dowladda iyo Gen. Jimcaale ayaa isku afgartay in aysan ciddina qaadin tallaabo wax u dhimi karta amniga Garoowe iyo Puntland, ciddii isku daydana meel looga soo wada jeensado.

PUNTLAND POST