
Waxaa maanta magaalada Boosaaso, gaar ahaan xarunta gobolka kulan ku yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland iyo guddi ay iska soo xuleen ganacsatada wax kala soo dega dekedda.
Kulanka oo looga hadlay xirnaanshaha dekedda Boosaaso iyo khidmadaha cusub ee ay ka cabanayaan ganacsatada ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan iyo isfahanwaa.
Xubnaha dowladda ayaa isku dayay in ay ganacsatada ku qanciyaan khidmadaha cusub ee dekedda Boosaaso, balse ganacsatada ayaa arrintaas diiday, iyada oo sheegay in ay ku tahay culeys weyn oo aysan qaadi karin.
Labada dhinac ayaa ku ballanmay kulan kale oo aan la cayimin, iyada oo dekedda Boosaaso xiran tahay labo iyo tobaan berri, halka ganacsiga magaalada xiran yahay maalintii labaad oo xiriir ah.
Shacabka ku nool deegaannada Puntland ayay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha dekedda iyo ganacsiga magaalada Boosaaso, iyada oo ay kor u kacday maciishadda daruuriga ah.
PUNTLAND POST