Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay askar ku dul istaagtay calanka Maraykanka

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay muuqaal ku baahay warbaahinta caalamka oo muujinaya askar ka tirsan milateriga oo ku dul istaagaya calanka dowladda Maraykanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaasi uu yahay mid aan la aqbali karin, islamarkaana uusan ka tarjumayn qiyamka, anshaxa iyo xirfadda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay xustay in la xiray dhammaan askartii ku lugta lahaa falkaasi, iyada oo intaas ku dartay in baaritaan rasmi ah uu socdo si loo ogaado sida ay wax u dhaceen.

Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantayin in ay ixtiraamka u hayso shacabka iyo dowladda Maraykanka, islamarkaana iskaashiga labada dal ay door weyn ka qaadatay dagaalka lagula jiro Al-habaab & Daacish, iyo xoojinta awoodda hay’adaha amniga dalka.

PUNTLAND POST