
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa magacaabay taliyaha guutada Birmadka iyo labo taliye urur oo ka mid noqonaya hoggaanka ciidankaas.
G/sare Jaamac Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii ka soo dagaalamay Calmiskaad ayaa looo magacaabay taliyaha guutada Birmadka Booliska Puntland.
Sidoo kale Dhamme Cabdirisaaq Maxamed Dhanbaal waxaa loo magacaabay taliyaha ururka 1-aad ee Birmadka, halka Dhamme Cabdimudallib Cabdi Shire oo ku soo caan baxay dagaalkii Laascaanood, islamarkaana ka mid ahaa maxaabiistii ay qabatay Somaliland loo magacaabay taliyaha ururka 2-aad ee Birmadka Booliska Puntland.
Ciidamada Birmadka Booliska Puntland oo ah ciidan si gaar ah u tababaran ayaa qayb ka mid ah dhawaan tababar loogu soo xiray kulliyadda Carmo.
PUNTLAND POST