Puntland Waa Inay Xuquuqdeeda Ka Doonato Dowladda Federaalka Soomaaliya

Puntland ciidammadeedu wax taageero ah kama helaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Garoowe (Faallo PP) — Labataan sano ka hor (sanadkii 2006) Puntland dakhliga soo gala ku dhowaad 40% waxaa loo diri jiray Baydhabo,  oo ahayd xaruntii dowladdii ku meelgaarka ee Soomaaliya. Ma jirin dakhli kale oo ay dowladdii ku meelgaarku heli kartay. Aqoonsi buuxa dowladdu ma haysanin. Waqtigaas, Muqdisho mar waxaa ku awood-badnaa qabqablayaal dowladda xilal ka qabtay markii dambase k horyimid, marna ururkii Midowga Maxkamadaha Islaamiga.

Maanta (2026) Puntland maamulka ka jira wuxuu gef u arkaa in dowladda federaalku siiso mushaar ciidan ku sugan Puntland, inkastoo Puntland, ka hor asaasiddii Maamulka Waqooyi Bari, ay dusha wada saaratay culayska in midnimada iyo qaranimada Soomaaliya laga difaaco xoogagga maamulka Somaliland oo aamminsan kala goynta dalka. Sidaas oo ay tahay, wax taageero ah Puntland kama helin dowladda federaalka Soomaaliya ka hor inta aan mushaar loo qorin ciidammada Danab oo uu hoggaamiyo Jeneraal Jimcaale Takar.  Sababtu waa: Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka, sababayna in Puntland aan la siinin taageerada ay beesha caalamku soo mariso dowladda federaalka sii loo sii adkeeyo dhisidda ciidanka Xoogga Dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarinta.

Sida uu sheegay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, oo mar ahaa madaxweynaha Puntland, Dr Cabdiweli Maxamed Cali, “Beesha Caalamku waxay Puntland ciidammadeeda u aragtaaa ciidan beeleed.” Sababtee ayay Puntland, oo horseed ka ahayd dhisidda dowladda Federaalka iyo ka bixitaankii ku meelgaarka ee 2012, u noqotay maamul leh ciidan beeleed heer ahaan ka hooseeya Macawisley? Macawisley taageero ayay ka heli jireen dowladda federaalka markii uu socday ololihii lagula dagaallamayay Al-shabaab 2022-2024.

Madaxweyne Deni uma sharxin dadka Puntland sababta ciidammada Puntland, oo naftooda u huray inay Calmiskaad kula dagaallamaan Daacish, u heli waayeen taageerada hub iyo sahay ay xaq ugu leeyihiin dowladda federaalka Soomaaaliya? Cabdisa beesha caalamka ka qabto in hub Puntland la siiyo ay gacanta miliishiyo beeleed ku dambaynayaan waxaa sii xoojiyay go’aanka uu Deni 2023kii xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiro sharci u oggolaanaya Madaxweyne Deni inuu ku doodo in dowladda federaalku aysan mushaar siin karin Ciidanka Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya.

Maxay Puntland tan iyo 2009 u tahay qol uu Madaxweynaha xilka haya markii uu doono xirto? Haddii aysan Puntland lahayn dastuur ka hor istaagaya Madaxweynaha Puntland qaadista tallaabooyin uu ku waxyeellaynayo danaha dadka Puntland markuu dantiisa ka waayo dowladda federaalka, yaa isu xilsaaraya xakamaynta madaxweynaha?

Awooddu kuma urursana oo keliya gacanta Deni muddada uu xilka hayo, wuxuu kale oo  dhaawac u geysan karaa wadajirka dadka Puntland. Sanadkii 2022 si gaar ayuu u soo xushay xildhibaanno iyo senatarro si uu ugu tartamo xilka Madaxweynanimada Soomaaliya. Kuma guuldarraysanin oo keliya tartankaas, xildhibaannadii iyo senatarradii uu soo xushay ayaa gacanta u galay dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxwene Deni marar badan wuxuu ka hadlay inuusan ka warhaynin lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumaysiga. Xog la’aantaas waxay Puntland ka hor istaagtay inay gudan weyso waajibaadka ka saaran soo sheegista dakhliga soo gala. Waa waajib uu farayo habka maaliyadda ee federaalka (fiscal federalism) in maamul kasta soo sheego dakhliga soo gala si uu wax ugu biirin karo khasnadda dowladda dhexe si uu kabis miisaaniyadeed u helo.

Dhowaan Axmed Ciise Cawad, Wasiirkii Hore ee Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in Puntland ay haysatay fursad ay guutooyin Xoogga Dalka oo maamulkeeda ka amarqaata samaysato “inta kalsoonida lagu qabo dowladda federaalka kordhayso” dhanka hoggaaminta Xoogga Dalka Soomaaliya. Fursaddaan Madaxweyne Deni ayaa Puntland seejiyay, oo waa sababta uusan maanta xaq ugu lahayn inuu hor istaago in dowladda federaalku mushaar siiso ciidanka Danab, fududeysana in ciidammo kale ku biiraan Danab.

© Puntland Post, 2026